Friday, May 11, 2012

Cabdiraxmaan Faroole oo kusoo biiray “Qaswadayaasha”

Waxay ahayd kowdii bishan Meey markii saddexda nin ee kala ah Safiir Boubacar G. Diarra oo ah Wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ditoor Augustine P. Mahiga oo ah Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, iyo Mudane Kipruto arap Kirwa oo ah Fududeeyaha Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan dhinaca nabadgelyada iyo dib-u-heshiinsiinta ee Soomaaliya, ay soo saareen qoraal digniin ah oo ay ugu digayaan dad Soomaali ah oo ay ugu yeereen “Qaswadayaal” (Spoilers) kuwaaas oo ka biyo diidsanaa sida uu u socdo qorshaha laga magac baxay “Roadmap”ka kaasoo ku saabsan sida looga baxayo ku meelgaarnimada dowladda Soomaaliya ee hadda jirta iyo weliba arrimaha Dastuurka qabyada ah.
Waxaan qormooyinkeygii hore kusoo sheegay iney jireen dad badan oo Soomaali ah iyo weliba qabaa’illo Soomaali ah oo kasoo hor jeestey arrinta Dastuurka Qabayada ah dadkasoo ka kooban Aqooyhanno, Siyaasiyiin, Culimada Diinta, Odey Dhaqameedyo, Haween, Dhallinyaro iyo dad kaloo badan.
Haddaba waxaa dadkaa aan kor kusoo sheegay kusoo biiray Cabdiraxmaan Faroole oo ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo horey loogu xaman jirey inuu ahaa qofka dabada ka riixaya hirgelinta Dastuurka Qabyada ah. Waxaa suurtogal noqotay inaan helno warqad uu Cabdiraxmaan Faroole 4tii Bishan Meey u diray saddexda nin ee aan kor kusoo sheegay iyo weliba Safiirrada Waddammada Mareykanka, Ingiriiska, iyo Wakiilka Gaarka ee ah ee Waddammada Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Hoos ka akhriso warqadda uu Faroole qoray iyo weliba warqadda digniinta ah ee ay soo sareen nimanka run ahaantii ka taliya Soomaaliya oo ah saddexda nin ee soo saaray digniinta ku socota dadka ay ugu yeereen “Qaswadayaasha” oo ay ugu hanjabeen cunaqabateyn iyo weliba iney ka adeejin doonaan “Matt Bryden” oo ah nin u ololeeya gooni isu taagga Soomaalida Gobollada Woqooyi.



No comments:

Post a Comment

Note: Only a member of this blog may post a comment.