Waxaanse gran la’ahay cidda dhiseysa Kanniisadda Katooliga oo lagu bur buriyey dagaalladii sokeeye ee Xamar ka dhacay. Sida aad ku aragtaan sawirka hoose, waxaa Kanniisadda agteeda, weliba dhinaceeda bidix, laga dhisay guri gaaban oo uu laamiyeeri (jiingad) saaran yahay. Waxaa kaloo meesha taagan Baabuur iskaroge ah oo ah kuwa qaada ciidda iyo dhagxaanta dhismaha. Waxaa sidoo kale meesha yaalla ciidda iyo bulukeetiga guryaha lagu dhiso.
Haddaan gartay……! War meesha waxaa laga sameeyey Makiinadda Bulukeetiga sameysa oo dad ayaaba warshadda Bulukeetiga sameysa ka furtay derbigii Kanniisadda Katooliga. Ninka ag fadhiya qofka haweenka ahna wuxuu u egyahay qof salad ku jira. Waa cajiib! 

No comments:
Post a Comment
Note: Only a member of this blog may post a comment.