Wednesday, April 25, 2012

Waa lagu deg degay ku dhawaaqidda inuu dhameystiran yahay Dastuurka Soomaaliya

Wasiirka wasiirrada Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo bisha April ay tahay 24, 2012 sheegay in lasoo gebagebeeyey Dasturkii dalka kadib wadi tashi lala yeeshay dhammaanba qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba isagoo yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in xubintii ugu muhiimsaneyd ee qeybaha Roadmapka ee aheyd Dastuurka in lagu soo dhameystiray xilligii la isla gartay. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed oo muddadii wadatashiga ku biirayey fikradahooda si hagar la’aan ah, Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka (IFCC) iyo Guddiga Khubarada Soomaaliyeed (CoE) oo danta guud ka horumariyey tooda gaarka ah, Wasiirada Wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, shaqaalaha Xafiiskeyga, guddiyada farsamo iyo beesha caalamka oo xaqiijiyey guushan taariikhiga ah inay noqoto mid dhab ah.”
Dad badan oo aan anigu ku jiro kuma biirinin fikraddooda Dastuurka sababtoo ah fursad nalooma siin aan ku dhiibanno fikraddeena. Qolada loo dhiibay diyaarinta Dastuurka oo awoodi waayey iney saxaan erayada ku qoran Dastuurka waxay ka dhexeeyeen Nairobi, Jabuuti, Garoowe, iyo Xamar. Waxaa mar la sheegay iney yimaadeen London si ay dadka ula tashadaan waxse kama soo bixin.
Waxaa cad in Dastuurka soo bandhigiddiisa lagu deg degay oo uusan dhameytirneyn sida uu qirtay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed isagoo yiri “Dastuurka qabyada ah waxaa ku jira qodobo anagu xitaa aanan jecleysan sida loo qoray hase ahaatee waxaan u deyneynaa ergada 825 ah ee la rabo iney ansixiyaan. Ma waxaan dhihi karnaa ergadaas dhamaantood waa wax magarato iyo jaahiliin ah. Iyagaa bedeli doona wax alla iyo wixii maslaxadda ummadda dhibaato ku ah”.
Waxaase ku dhawaaqidda inuu Dastuurku dhameystiran yahay kasii daran in loo gacan geliyo 825 oday dhaqameed oo aan aqoon u lahayn waxa uu yahay dastuur iyagoo laga rabo rabo iney muddo laba usbuuc ah sixid ku sameeyaan Dastuurka kuna ansixiyaan 30ka bishan April, 2012. Dasuurka laftiisa ragga soo diyaariyey ma aysan sheegin aqoontooda iyo khibraddooda xagga sharciga ah.
Waxaa wax laga xumaado ah in Dastuurku uu qorayo in wax aqoon ah oo looga baahan yahay aysan jirin ragga la rabo iney u taliyaan waddanka laga soo billabo madaxweynaha, wasiirka wasiirrada, wasiirradda dowladda iyo xubanaha baarlamaanka aan ka ahayn iney Soomaali yihiin sida ku cad Qodobka 95 oo qeexaya shuruudaha looga baahan yahay qofka raba inuu madaxweyne noqdo. Wasiirka wasiirrada ma jiro wax shuruudo ah oo laga rabo oo ku cad dastuurka oo aan ka ahayn inuu madaxweynuhu keensado qofkuu isagu rabo. Sidoo kale Qodobka 107 ee Dastuurka waxa uu sheegayaa in madaxweynuhu  magacaabo madaxweyne ku xigeen iyo 21 wasiir. Waddanku wuxuu yeelanayaa madaxweyne, madaxweyne ku xigeen iyo wasiirka wasiirrada taasoo ah arrin aan adduunka horey looga arag. Sidoo kale ma cadda wax shuruud ah haba yaraatee oo ku cad qodobkan oo laga rabo qofka raba inuu noqdo wasiir. Shuruudaha qofka laga rabo si uu uga mid noqdo baarlaamaanka waddanka waxay tahay inuu yahay Soomaali codeyn kara da’diisuna ay ka weyn tahay 25 sano sida ku cad Qodobka 77 ee Dastuurka.
Waxaa horeyba u jirtey diidmo badan oo lagu diiddan yahay Dastuurka qabyada ah oo ka imaanayey aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku kala nool adduunka dacalladiisa iyo xubno iyo qabiillo badan oo Soomaali ah oo ku nool waddanka gudihiisa oo ay ugu dambeysey Beesha Habar Gidir oo shir ay isugu yimaadeen oo ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay magacooda ku hadlayeen odayaasha kala ah Xuseen Jaamac Kediye, Abuukar Ganey oo sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Beesh Habar Gidir, iyo Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad “Indhacadde” oo kamid ah saraakiisha ciidammada dowlladda ku meelgaarka ah, ku sheegay iney diiddan yihiin Dastuurkan lasoo dhoodhoobay. Xuseen Jaamac Kediye oo ka mid ahaa Odayaashaasi ayaa waxa uu Madashada shirka ka aqriyay Warsaxaafadeed dhowr qodob ka koobna oo ka turjumayay sida beeshaasi ay ugu go’antahay inay ka horyimaadaan guud ahaan Dastuurka cusub ee la doonayo in dhawaan lagu ansixiyo Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale shir ay Muqdisho ku yeesheen xubno ka tirsan baarlamaanka hadda jira kana soo jeeda beelaha shanaad oo uu u hadlayey Ugaas Cali Ugaas Xirsi Dhiblaawe ayaa waxay beesha caalanka u jeediyeen in shacabka Soomaaliyeed aysan matalin dadka ku howlan ansixinta qabyo qoraalka Dastuurka cusub ee la doonayo in 30-ka Bishaan lagu ansixiyo magaalada Muqdisho isagoo intaasi raaciyay in dadka lagu sheegay in ay yihiin Salaadiin ee la isugu geeynayo xarunta Gaadiidka Boosliska ee magaalada Muqdisho in ay yihiin kuwo aan matalin beelaha ay kasoo jeedaan.
Isku soo wado duuboo, arrintu waxay u egtahay in waddanku uu galayo marxalad hor leh oo qas iyo jahawareer ku dhisan iyadoo arrintan ay majaraha u hayaan dad aan aqoon u lahayn dowlad wanaag oo dantoodu ay tahay sidii ay ku raadsan lahaayeen nolol maalmeelkooda iyagoo aan rabin iney u daneeyaan dalka iyo dadka midnaba.

Hoos riix si aad u akhrisato Dastuurka la leeyahay wuu dhameystiran yahay oo ku qoran Af Soomaali iyo Af Ingiriis.

http://www.dastuur.org/eng/index.php?option=com_content&view=article&id=92&Itemid=144



No comments:

Post a Comment

Note: Only a member of this blog may post a comment.