Friday, April 27, 2012

Qof Haysta Dhalasho Kale Madax Kama Noqon Karo Soomaaliya!

Sidaas waxaa yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dastuurka, Xasan Maxamuud Jimcaale “Xasan Dheere” oo sheegay in arrintani ay tahay wax ka bedelid lagu sameeyey Dastuurka Qabya Qoraalka Soomaaliya oo la filayo in la ansixiyo goor dhow. Xasan Dheere ayaa isbeddelkan ka sheegay barnaamijka kulanka Jimcaha ee ka baxay Raadiyo Muqdisho 27ka Abriil, 2012. Sidoo kale waxaa isna isla barnaamijkaa ka hadlay Cabdikariim Xaaji Cabdi (Buux) oo ah Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Dastuurka oo sheegay in sidoo kale wax laga beddeli doono qodobbada la xiriira Jinsiyadda. Diidmada loo diiddan yahay in qof dhalasho kale haysta uu Soomaaliya madax ka noqdo waxa keliya ee uu uga hortagi karo waxay tahay inuu ka laabto dhalashada waddankaa kale iskana celiyo Baasaboorka waddankaa kale.
Isku soo wada duuboo, waxaad mooddaa inuu hadda bilowday dagaal u dhexeeya Soomaalidii waddanka ku hartay iyo kuwii usoo haajiray dibadaha kadib markii la afgembiyey dowladdii Soomaaliya sanadkii 1991kii. Waxaase wax lala yaabo ah in dadka haddaba ka taliya Soomaaliya ay badankoodu yihiin kuwo haysta dhalashooyin kale, haba u badnaadaan waddammada reer galbeedka. Kuwo kalena waxayba haystaan dhalashada waddammada la deriska ah Soomaaliya sida Keyna, Itoobiya iyo Jabuuti.
Waxaad mooddaa mar kale in lagu deg degay waxka bedelidda Dastuurka sidaan horey usoo sheegayba sababtoo ah xal ma aha in dadka waddanka xal u keeni kara ee wax soo bartay la yiraahdo xukun kama qaban kartaan waddanka waxaana idinka wanaagsan kuwa kusoo jirey dagaallada 20kii sano ee lasoo dhaafay oo aan aqoon si wax loo dhiso balse ku xeel dheer sida wax loo dumiyo, dadka loo dilo loona barakiciyo. Run ahaantii dadka Soomaaliya jooga ee raba iney madax noqdaan waxay u baahan yihiin in la daaweeyo sababtoo ah maskaxdoodu ma fiyooba.
Ugu dambeyntii, go’aankan wax looga beddelay Dastuurka, waaba haddii lagu dhaqmee, wuxuu jidgooyo u dhiganayaa rag badan oo usoo xirxirtay iney u tartamaan madaxtinimada waddanka Soomaaliya kuwaasoo ku kala nool waddammada Yurub iyo Mareykanka. Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa “Durbaan nin xaday meeshuu ku tumi lahaa ayaa laga rabaa” taasoo aan ula jeedo dadka isku koobaya madaxtinnimada waddanka waxaa laga rabaa meeshii ay wax ku xukumi lahaayeen.
Xigasho: Webka Radio Muqdisho. http://radiomuqdisho.net/xukuumadda-oo-wax-ka-bedeshay-qodobbo-ka-mid-ah-dastuurka/

No comments:

Post a Comment

Note: Only a member of this blog may post a comment.